Dowlad Goboleedka Galmudug ee Soomaaliya

U gudub nuxurka

AGAASIMAHA GUUD EE WASAARADDA TAMARTA IYO KHAYRAADKA BIYAHA EE GALMUDUG OO KA QEYBGALAY MUNAASABAD XILWAREEJIN

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha ee Galmudug, Mudane Ibrahim Abdikadir Mohamed, ayaa maanta ka qeybgalay munaasabad ay soo qabanqaabisay Wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, taas oo lagu qabtay xil-wareejinta Agaasimihii Guud ee hore, Mudane Cabdullaahi Xasan Aadan, iyo Agaasimaha Guud ee cusub, Mudane Axmed Yuusuf Cabdulle.
Xil-wareejinta ayaa si rasmi ah u maamulay Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi Bidhaan Warsame.
Munaasabadda waxaa ka qeybgalay Wasiiro, Agaasimayaal iyo mas’uuliyiin ka kala socday hay’adaha dowladda, Dowlad-Goboleedyada, ganacsatada, bulshada rayidka ah iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha ee Galmudug, Mudane Ibrahim Abdikadir Mohamed, ayaa munaasabadda kaga qeybgalay isagoo matalaya Wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha ee Galmudug, isagoo xusay muhiimadda ay leedahay xoojinta wada-shaqeynta iyo iskaashiga u dhexeeya Wasaaradda Federaalka iyo Wasaaradaha Dowlad-Goboleedyada.
— DHAMMAAD —